Latest Media
Daawo Barnaamij Doo...
[21-05-2015 11:56]
Doodi Mooshinka Jub...
[21-05-2015 10:21]
Wareysi Sirdoonka a...
[20-05-2015 12:10]
Daawo Somali short ...
[19-05-2015 21:19]
Wali Geedi baan Nahay
[19-05-2015 20:46]
Midba Mid Kadaran
[19-05-2015 20:45]
Faaliyaha Qaranka 1...
[18-05-2015 00:23]
SHeeko Gaaban Laqdabo
[17-05-2015 12:15]
Xaqa Muxuu Ku Nacay
[16-05-2015 15:02]
Short flim Kursi Doon
[16-05-2015 14:58]
Ads
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Ciidamada Boliiska Soomaaliya oo Howlgalo ka Wada Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose
Posted by  admin admin Postedon  14-05-2015 11:45 14-05-2015 11:45 50  Reads 50 Reads  0 Comments 0 Comments
printer
Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed ee ka howlgala magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa fariisimo cusub ka sameystay xaafada ka mid ah magaaladaasi si ay u sii xoojiyaan howlaha baaxada leh ee amni sugida.


Ciidamadani Boliiska ah ayaa meelaha fariisimada ay ka dhigteen waxaa ka mid ah xaafada ka mid ah waaxyaha dhagaxtuur iyo 21-October ee magaalada Afgooye, waxaana ciidamada ay ka shaqeyn doonaan gudashada waajibaadka shaqo ee loo igmaday oo ah u qidmeynta dadka shacabka ah si ay u suurta galiyaan xasilinta amniga iyo ka hortagida wax kasta oo ammaanka lidi ku ah.


Taliyaha Saldhiga degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose Dhame Amiin Maxamed Cusmaan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ku micneeyay fariisimaha cusub oo ay ciidamada ka dhigteen meelaha cusub ee magaaladaasi in ay qeyb ka tahay sugida amniga iyo ka hortagida wax kasta oo lidi ku noqonaya ammaanka

Taliyaha Saldhiga Boliiska Degmada Afgooye oo sii hadlay ayaa sheegay in mar walbo ay diyaar u yihiin u qidmeynta dadka shacabka ah, wuxuuna ka codsaday bulshada ku dhaqan magaalada Afgooye in ay la shaqeeyaan ciidamada islamarkaana marka ay arkaan wax lidi ah ammaanka in ay la soo socodsiiyaan ciidamada si looga hortago.


Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
top image scrolling tools
facebook_share
twitter_share
google_share
linkedin_share
blogger_share
delicious_share
feed
mailto
scrolltop